Kooxda Real Madrid oo ka fiirsanaysa inay u dhaqaaqdo soo xero-gelinta daafac ka tirsan PSG

0
280

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Sida wararku ay sheegayaan kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ka fiirsanaysa inay u dhaqaaqdo soo xero-gelinta xiddig daafaca uga ciyaara naadiga PSG.

Warsidaha Defensa Central ayaa warinaya in Kooxda Real Madrid ay ka fikireyso inay u dhaqaaqdo soo xero-gelinta daafaca Naadiga Paris Saint-Germain ee Presnel Kimpembe.

Los Blancos ayaa doonaysa inay gacanta ku soo dhigto daafaca dhexe kale oo ay ku xoojiso qalbigeeda daafaca, waxaana markaan ay arkootay xiddiga xulka qaranka Faransiiska ee Kimpembe.

26-sano jirkaan ayaa xalay qeyb ka ahaa xulkii Faransiiska ee ku guuleystay Koobkii UEFA Nations League oo ay ka qaadeen Spain.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here