Dalka Lebanon oo ay soo food saartay koronta yaridi abid ugu xumeyd

0
269

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Dalka Lebanon ayaa waxaa soo food saartay koronta la’aantii ugu xumeyd oo abid, taasoo sababtay inuu dalka oo dhan Mugdi oo noqdo.

Mas’uul dowladda Lebnaan ka tirsan ayaa sheegay koronta la’aantani iney ka dhalatay laba xarrumood oo waaweyn korontada laga dhaliyo oo shidaal la’aan sababa la xiriira u xirmay.
Dhaqaalaha dalka Lebnaan ee burburay ayaa shirkadda korontada dalkaasi ku kallifay iney awoodi weydo iney soo iibsato shidaalkii ay u baahneed.

Maalmihi u dambeeyey dalkaasi korontadu waxay ka maqnaaneysay saacada isdabajoog ah oo mararka 24 saac iyo ka badanba ay korotadu maqnaato.

Dadka awoodda dhaqaale ay u saamaxeysana si ay u helaan korontada ay u baahan yihiin waxay maciin badeen matoorro si gaar ah ay iyagu u maamulaan oo ay koronta ka helaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here