Daanyeerkii loogu jeclaa dunida oo geeriyooday.

0
158

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Danyeer hadda ka hor dunida si weyn uga caan baxay kaddib markii uu isagoo bani’aadan isu ekeysiinaya sawir soo galay ayaa lasoo tabiyay in uu geeriyooday.
Ndakasi, oo ahayd daanyeer dhedig ah – nooca loo yaqaanno gorilla ee ku nool dhulka buuraleyda ah- ayaa xanuun u dhimatay iyadoo 14 jir ah.

Waxay dhimatay xilli uu dhabta ku hayay Andre Bauma, oo ka mid ah ciidanka ilaalada duur joogta, kaasoo iyadoo yar kasoo badbaadiyay keyn ku taalla Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo.

Mr Bauma ayaa markaas Ndakasi kasoo kaxeeyay kenya xayawaannada ee furan ee lagu magacaabo Virunga, oo ah tan ugu da’da weyn ee ku taalla qaaradda Afrika.Sanadkii 2007-dii oo ah waqtiga lasoo samata bixiyay waxay jirtay labo bilood oo keliya, waxayna beylah noqotay kaddib markii kooxo ugaarsato sharci darro ah ay dileen waalidiinteeda.

Ciidanka ilaalada duur joogta ayaa go’aansaday in daanyeerkan aan dib loogu celinin keymaha, maadaama aysan waxba ka harin daanyeerradii ay isku dhawaayeen.
Markii dambe waxaa lagu soo koriyay xarun lagu xannaaneeyo xayawaanka oo uu maamulo Bauma.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here