Carruurta Afrika oo la siinayo tallaal looga hortagayo cudurka duumada

0
218

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Carruurta ku nool qaaradda Africa intooda badan ayaa laga tallaalayaa cudurka duumada xili dunida ay dagaal kula jirto cudurka karoona feyris.

Duumadu waxay ka mid tahay cudurrada ay u dhintaan carruurta iyo dhallaanka ugu badan ee dunida.

Soo saarista talaalkan Duumada ayaa qaatay muddo qarni ah oo dadaal xooggan looga jiray.

Tallaalkan oo looga magacdaray RTS,S ayaana la ansixiyey lix sano ka hor.

talaalkan ayaa lagu tijaabiyey waddamada Ghana, Kenya iyo Malawi, iyadoona hay’adda caafimaadka adduunka ay sheegtay in tallaalkaasi laga fulinayo waddamada ku yaallo wixi ka hoseeya saxaraha Afriya ee ay kaneecada sida aadka ah uga jirto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here