Qorshaha Arsenal Ee William Saliba Oo La Ogaaday.

0
509

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay qorshaynayso in ay xiddiga William Saliba ka qayb dhigto kooxda 1-aad xilli ciyaareedka soo socda.

Xiddiga 20 jirka ah ayaan wali wax kulan ah u safan kooxda 1-aad tan ilaa markii uu yimid sanadkii 2019 isaga oo amaaho loogu diray kooxaha Saint-Etienne, Nice Iyo Marseille.

Saliba ayaa ahaa dookha 1-aad ee daafaca kooxda Nice sidoo kale waxa uu xilli ciyaareedkan door weyn ka ciyaaray qaab ciyaareedka kooxda Marseille taas oo taageerayaasha Arsenal keentay in ay su’aal iska waydiiyaan sababta ay xiddiga u fasaxeen.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegaya in ay Arsenal go’aansatay in ay xiddiga Silba ku darto qorshaha kooxda ee xilli ciyaareedka dambe waliba fursad laga siin doono kooxda 1-aad kadib horumarkii uu sameeyay xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here