Man United Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Ole Gunnar Solskjaer Kadib Natiijooyinkii Xumaa Ee Kooxda.

0
225

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ayna wax niyad ah u hayn in ay shaqada ka caydhiyaan tababare Ole Gunnar Solskjaer sida ay sheegayaan wararku.

Tababaraha Man United ayaa soo qaatay todobaadyo adag kadib markii ay Man United bar-baro la gashay kooxda Everton kulan ka dhacay Old Trafford.

Sidoo kale United ayaa guuldaro kala kulantay Aston Villa ka hor inta ayna guul dirqi ah ka gaadhin Villarreal.

Natiijooyinka xun ee kooxda ayaa keentay in ay taageerayaasha kooxdu dalbadaan in shaqada laga caydhiyo tababaraha reer Norway todobaadyada soo socda.

Laakiin wargayska SunSport ayaa sheegaya in ayna Maamulka Man United ku faraxsanyihiin shaqada tababaraha waliba ayna wax niyad ah u hayn in ay shaqada ka caydhiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here