Bruno Fernandes Oo Jabiyay Rikoodh Cajiib Ah Kulankii Everton.

0
255

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Xiddiga khadka dhexe ee Bruno Fernandes ayaa jabiyay rikoodh premier League ah kadib markii uu caawiye ka noqday goolkii Anthony Martial Sabtidii.

Xiddiga reer Portugal ayaa caawiye ka noqday goolkii uu Martial dhaliyay daqiiqadii 43-aad ee qaybtii hore ee ciyaarta isaga oo sidaas caawiye uga noqday goolkiisii ugu horeeyay ee premier League xilli ciyaareedkan.

Goolkii uu caawiyay xiddiga kubad sameeyaha ah ayaa noqday goolkii 50-aad ee uu ku lug lahaa premier League 58 kulan oo uu ciyaaray taas oo ka dhigaysa xiddiga ugu dhakhsaha badan ee rikoodhkaas gaadhay.

Xiddiii hore ee Sporting Lisbon ayaa guud ahaan haatan ku lug leh 44 gool iyo 28 caawin tan ilaa markii uu yimid kooxda Man United.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here