Xalaada bini’aadanimo ee dalka Yemen oo ka sii dareysa.

0
265

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in xaaladda dalka Yemen ay aad u liidato in kastoo taageerro ay bixiyeen dalalka deeqda bixiyay ay sababtay in laga baaqsado macluul dalkaasi ka dhacda.

Wakiilka qaramada midoobay ee dalka Yemen ayaa sheegay in xaalada bini’aadanimo ee ka jirta dalka Yemen ay ka sii dareyso hadii aan wax laga qaban islamarkana xal loo helin colaada ka aloosan dalkaasi.

Qaramada midoobay ayaa sheegay in caruur badan ay macaluul daran ugu geeriyoodeen dalka Yemen.

Qaramada midoobay ayaa 4 malyan oo dollar ugu deeqday dalka Yemen si wax looga qabto xaaladda bini’aadanimo inkastoo ilaa hadda la bixiyay lacag dhan 2 malyan oo dollar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here