Ra’iisul wasaaraha Tunisiya oo markii ugu horeysay loo magacaabay haweeney.

0
314

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Madaxweynaha Tunisia Kais Saied, ayaa magacaabay ra’iisul wasaare cusub, in ka badan labo bilood ka dib markii uu ceyriyay ra’iisul wasaarihii hore.

Mr Saied, ayaa ku booriyay Najla Bouden oo ah haweeneydii ugu horreysay ee ra’iisul wasaare ka noqota dalka Tunisiya- inay si degdeg ah u soo dhisto xukuumad.

Madaxweynaha ayaa shaqada ka joojiyay baarlamaanka dalkaasi bishii July, isagoona dejiyay tallaabooyin u oggolaanaya inuu digreeto ku xukumo.

Mr Saied ayaa ugu baaqay ra’iisul wasaarihiisa in ay xoogga saarto dadaallada xukuumaddeeda cusub, si loo ciribtiro musuqmaasuqa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here