Xaqiiqooyinka Cajiibka Ah Ee Laga Diwaan Galiyay Kulamadii Champions League Ee Xalay La Ciyaaray

0
295

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Waxa xalay la ciyaaray kulamo champions League ah oo xiiso leh iyada oo ay isaga hor yimaadeen kooxaha ka qayb galaya tartanka.

Kooxda Liverpool ayaa xasuuqday kooxda Fc Porto halka ay PSG garaacday Man City xilli ay Real Madrid guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda Sheriff.

Dhanka kale kooxda Atletico Madrid ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay Ac Milan daqiiqadihii ugu dambeeyay ee kulanka.

Hadaba Halkan Kaga Bogo Xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulamadii xalay ee champions League.

1.Kooxda Sheriff ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay tan ilaa Leicester City badis 2-dii kulan ee ugu horeeyay xilli ciyaareedkooda champions League kadib markii ay garaaceen kooxaha Shakhar iyo Real Madrid.

2.Liverpool ayaa guuldaro la’aan sii ahaatay dhamaan 9-kii kulan ee ay tartamada oo dhan, taariikhda kooxaha kaliya kooxaha Scunthorpe United & Walsall ayaa ciyaaray kulamo ka badan iyaga oo aan laga badin kuwaas oo aan laga badin 11 kulan.

3.Lionel Messi ayaa Man City ka dhaliyay 7 gool oo champions League ah waana in ka badan xiddig kasta oo ka hor tagay kooxda Man City taariikhda tartanka champions League.

4.Man City ayaa la kulantay guuldaradeedii ugu horaysay ee wareega Group-yada champions League tan ilaa September 2018 markaas oo ay guuldaro 2/1 ah kala kulmeen Lyon waxana ay guuldaro la’aan ahaayeen 18 kulan.

5.Lionel Messi ayaa 27 gool ka dhaliyay kooxaha premier League 35 kulan oo uu kaga hor tagay champions league waxana uu 15 gool ka badan yahay xiddig kasta oo tartanka ah.

6.Karim Benzema ayaa haatan gool ka dhaliyay 17 xilli ciyaareed oo champions League ah waana xiddiga ugu badan ee sidaas sameeyay taariikhda.

7.Liverpool ayaa dhalisay 3 gool iyo wax ka badan 6 kulan oo xidhiidh ah kaliya markii 3-aad ee taariikdooda iyaga oo sidaas sameeyay May 2009 iyo October 1892.

8.Xiddiga James Milner ayaa ah xiddiga Liverpool ugu badan ee caawiye ka noqday gool champions League ah isaga oo sameeyay 12 gool lana bar-baro ah Steven Gerrard.

9.Sadio Mané ayaa dhaliyay 5 gool kulamada uu ka hortagay kooxda Fc Porto champions league waana xiddiga ugu badan ee Liverpool sidaas sameeyay koox kaliya taariikhda tartanka.

10.Mohamed Salah ayaa noqday kaliya xiddiga 3-aad ee ka soo jeeda qaarada Africa ee dhaliya 30 gool iyo wax ka badan champions League kadib Didier Drogba (44) & Samuel Eto’o (30).

11.Mohamed Salah ayaa dhaliyay gool mid kasta oo ka mid ah 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ee Liverpool, markii uu dambaysay ee uu xiddig Liverpool ah 6 gool xidhiidh ugu dhaliyo ayaa ahayd April 2018 waxana sidaas sameeyay isla Mohamed Salah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here