Declan Rice Mise Jude Bellingham? Gary Neville Oo Kala Doortay Xiddiga Ay Man United Tahay In Ay U Dhaqaaqdo.

0
248

Gary Neville ayaa si cad u sheegay dookhiisa xiddiga uu doonayo in ay Man United la soo saxiixato Declan Rice ama Jude Bellingham suuqa xagaaga soo aadan.

Red Devils ayaa lala xidhiidhinayay saxiixa xiddigaha reer England kuwaas oo xulka qarankooda u ciyaaray tartanka euro 2020.

United ayaa ku raad joogtay saxiixa xiddig khadka dhexe ah si ay ugu xoojiyaan kooxda waxana ay xiiso muujisay labada xiddig reer England sanadihii ugu dambeeyay.

Haatan Neville oo kabtan u ahaa Man United intii u dhexaysay 2006 ilaa 2011 ayaa sheegay xiddiga uu jeclaan lahaa in ay Man United la saxiixato xagaaga.

Markii uu taageere ku weydiiyay Twitter labada xiddig midka uu jeclaan lahaa in ay United la soo saxiixato ayuu ku jawaabay “Bellingham.”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here