Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Premier League Oo La Soo Saaray.

0
285

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Arsenal ayaa garaacday Tottenham kulankii ugu horeeyay ee North London Derby xilli ciyaareedkan xilli ay Man City dhulka dhigtay kooxda chelsea soona afjartay rikoodhkeeda guuldarada premier League.

Hogaamiyayaasha Horyaalka Liveprool ayaa bar-baro ku dhaafi waayay kooxda Brentford halka ay Man United guuldaro kala kulantay kooxda Aston Villa iyaga oo jooga Old Trafford.

Dhanka kale kooxaha Burnley, Newcastle, Leeds, Norwich & Southampton ayaan wali wax guul ah gaadhin kadib 6 kulan oo ay ciyaareen premier League.

Leicester City ayaa dhankeeda bar-baro la gashay Burnley halka ay Newcastle iyo Watford isku dhaafi waayeen bar-baro 1/1 ah.

Everton ayaa garaacday Norwich City halka ay Leeds United guuldaro kala kulantay West Ham iyada oo Southampton guuldaro kala kulantay Wolves.

Hadaba kadib kulamada todobaadka waxa la soo saaray shaxda ugu fician waxana shaxda xiddigaha ugu badan ku leh kooxaha Aston Villa, Man City, Arsenal iyo Liveprool oo min hal xiddig ku leh.

Dhanka kale kooxaha West Ham Iyo Everton ayaa shaxda ugu fiican todobaadka horyaalka premier League ku le min hal xiddig kadib qaab ciyaareed fiican oo ay soo bandhigeen.

Garth's latest team of the week: Martinez, Laporte, Hause, Dias, Saka, Henderson, Doucoure, Smith Rowe, Salah, Jimenez, Antonio

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here