Britain oo raadineysa kumannaan qof oo laga doonayo inay leeyihiin xirfado gaar ah.

0
237

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Ilaa 10,500 oo ajaanib ah oo isugu jira darwaliinta gawaarida xamuulka ah iyo shaqaalaha kawaannada ayaa loo oggolaan doonaa in ay shaqo u tagaan UK ilaa dabayaaqada sanadkan, oo ku beegan marka ay billaabaneyso ciidda masiixiyiinta.

Dowladda ayaa xaqiijisay in 5,000 oo ah darawaliinta baabuurta qaada shidaalka iyo kuwa kale ee xamuulka ay heli doonaan dal ku gal saddex bilood ah oo ay ku joogi doonaan waddankaas.

Barnaamijkan ayaa sidoo kale la filayaa in lasii ballaariyo oo lagu kordhiyo shaqaale gaaraya 5,500 oo kale.

Wasiirka gaadiidka, Grant Shapps, ayaa sheegay in tallaabadan ” ay qayb ka tahay diyaargarowga loogu jiro in xaaladda ay sidii loogu talogalay ahaato” waqtiga lagu jiro fantasyaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here