Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Labada Kooxood Chelsea Vs Man City Ka Hor Kulankooda Maanta.

0
418

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Waxa maanta kulan xiiso leh ciyaari doona kooxaha Chelsea iyo Man City kulan ka dhici doona Stamford Bridge kana tirsan todobaadkii 6-aad ee premier League.

Labada kooxood ayaa ku hubaysan xiddigaha ugu fiican premier League waxana ay isha ku hayaan 3-da dhibcood ee kulanka maadama oo ayna dhibcuhu u qaybsamin labada kooxood.

Chelsea ayaa isha ku haysa in ay hogaanka u qabato premier League halka ay Man City doonayso in ay ka soo kabsato bar-barihii ay todobaadkii hore la galeen kooxda Southampyon.

Xiddigo badan oo labada kooxood ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah waxana ay muujiyeen tayadooda tan ilaa kulankii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedka horyaalka premier League.

Ka hor kulanka waxa la soo saaray shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood iyada oo kooxda Man City ku leedahay xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 7 xiddig halka ay chelsea ku leedahay kaliya 4 xiddig.

Chelsea and Man City combined XI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here