Ninkii sameeyay “daawadii riyada uu ku arkay ee coronavirus oo geeriyooday.

0
182

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Wadaad u dhashay dalka Sri Lanka oo soo saaray daawo uu ku sheegay in ay dadka ka difaaceyso xanuunka Covid-19 ayaa u geeriyoodya cudurkan, sida ay xaqiijiyeen qoyskiisa.
Eliyantha White wuxuu xiddigo cayaartoy ah iyo siyaasiyiin sare ku daweeyay daawada uu sameeyay oo uu ku sheegay inuu riyo ku arkay.

Wuxuu sheegay in dawadan oo lagu shubo webiyada ay cirirbtiri karto xanuunka safmarka ah ee ka jira Sri Lanka iyo dalka deriska la ah ee Hindiya.
NInkan ayaa horraantii bishan la xanuunsaday cudurkan waxaana loola cararay isbitaalka, halkaas oo ay xaaladdiisa ka sii dartay.

Dawada uu sameeyay waxaa bulshada u soo bandhigay wasiirkii hore ee caafimaadka Sri Lanka, Pavithra Wanniarachchi, oo qudhiisa labo toddobaad Covid u jiifay qeybta daryeelka gaarka ah ee isbitaalka.

White ayaa sanadihii la soo dhaafay caan baxay kaddib markii uu cayaartoy Hindiya u dhashay ka daaweeyay cudurka, balse waxaa qaab daaweyntiisa ka soo horjeestay dhaqaatiirta waaweyn ee dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here