PSG Oo Warbixin Ka Soo Saartay Xaalada Lionel Messi, Miyuu Dhaawacmay

0
260

Tababaraha Kooxda PSG ee Mauricio Pochettino ayaa xaqiijiyay dhaawac soo gaadhay xiddiga Luonel Messi kaas oo ka soo gaadhay kulankii Lyon ee horyaalka France.

Xiddiga No.30 ayaa la badalay daqiiqadii 76-aad ee qaybta dambe ee ciyaarta taas oo muran badan dhalisay waxana uu tababaruhu haatan xaqiijiyay in uu xiddigu dhaawacmay.

messi ayaa haatan seei doona kulanka Metz ee Arbacada ee ka tirsan horyaalka France kadib markii la xaqiijiyay dhaawac jilbka ah oo soo gaadhay.

“Kadib jug ka soo gaadhay lugta Bidix, waxa lagu sameeyay baaditaan waxana soo baxday dhaawac”ayay kooxda PSG warbixin ku soo laabtay.

Dhaawaca xiddiga Messi ayaa wakhti xun yimid marka la eego in uu xiddigu haatan shaki ku jiro kulanka ay PSG la ciyaari doonto Man City todobaadka dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here