Kiisaska cudurka Karoona feyris ee dalka koonfur Afrika oo korodhay.

0
285

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Wasaaradda caafimaadka dalka Koonfur Afrika ayaa maalintii shalay oo jimco aheyd diwaangelisay in ka badan 3,648 ruux oo uu haleelay caabuq oo cusub oo COVID-19 ah baaritaanno la sameeyay 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Sidoo kale , 173 dhimasho oo cusub ayaa la diiwaangeliyay, taasoo wadarta guud ee dhimashada ka dhigaysa 85,952.

Koonfur Afrika waa dalka ugu daran ee uu ku dhacay cudurka faafa ee COVID-19.

Dadaallada lagu xakameynayo faafitaanka fayraska ayaa ka socda dalka Koonfur Afrika iyadoo dowladda ay bilowday olole dadka lagu gaarsiinayo talaalka cudurkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here