Daraasad la sameeyay oo lagu ogaaday dhismaha ugu qaalisan adduunka inuu yahay Xaramka

0
227

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Daraasad ay sameysay xarunta MSN money ee ka faalooda dhaqaalaha adduunka gaar ahaan dhismayaasha ganacsi ayaa lagu soo bandhigay dhismayaasha kuwooda ugu qaalisan adduunka.

Waxaan daraasadda diiradda lagu saaray 30-ka dhisme ee ugu qaalisan adduunka iyadoo Sucuudiga ay ku yaallaan labada xarun ee ugu qaalisan adduunka oo uu kamid yahay Xaramka.

Sahanka MSN Money uu sameeyay sanadkii 2019-kii ayaa lagu ogaaday in Xaramka uu yahay dhismaha ku fadhiya qiimaha ugu qaalisan adduunka.

Daraasadda ayaa intaas ku dartay in ballaarinta iyo dayactirka sanado badan lagu sameynayay Xaramka ay horseeday in la geliyo agab badan oo qaali ah taasina ay ka dhigtay in uu noqday dhismaha ugu qaalisan adduunka oo uu ku fadhiyo $ 100 bilyan oo doolar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here