Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Tababaraha Man United ee Ole Gunner ayaa xaqiijiyay in Ronaldo uusan ka qeyb galeyn dhamaan kulamada kooxda marka loo eego da`diisa oo 36Â sano ah .
United ayaa xagaagaan dib ula soo wareegtay Ronaldo iyadoo kulankiisii ugu horeeyay ee Newcastle-na uu dhaliyay laba gool
United ayaa talaadada waxa ay wareegga koowaad ee Group-yada Champion-ka ku qaabilayaan Young Boys
Ole Gunner ayaa la weydiiyay in Ronaldo uu kulankaas safanayo waxa uuna ku jawaabay isaga oo ESPN u waramayay ” aan aragno waxa aan sameyn karno , waan qiimeynaa Ronaldo ka hor kulankaas”
” In Ronaldo kulamada qaar laga fogeeyo oo aan la safin ma ah wax mustaxiil ah , 36 sano ayuu jiraa , waxaan haysannaa Greenwood oo 19 sano jir ah , waa qasab in aan u maamulo daqiiqadaha uu ciyaarayo , waa in aan u naxaa 36 sano jirkaan”