Ra’iisul wasaarahii Hore ee Ivory Coast oo Geeriyooday

0
222

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Ra’iisul wasaarahii Hore ee Ivory Coast oo COVID-19 ugu geeriyooday Faransiiska.

R’iisul wasaarihii hore ee Ivory Coast Charles Konan Banny ayaa ku geeriyooday magaalada Paris ee dalka Faransiiska kaddib muddo uu la xanuunsanaa xanuunka Covid-19.
Charles Konan ayaa xafiiska ra’iisul wasaare ee dalka Ivory Coast soo maamulayay 2005-2007

Madaxweynaha Ivory Coast Alassane Ouattara ayaa ka tacsiyeeyay geerida masuulkaas oo uu ku tilmaamay mudane shaqo qaran oo lagu faano ka soo qabtay dalkaas iyo horumarkiisa.

Charles ayaa lagu xasuustaa in uu hoggaaminayay waanwaantii iyo nabadeyntii 2010-kii kaddib qalalaasihii doorashada ee dalkaas ka dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here