Man United Oo War Fiican Ka Heshay Xaalada Jadon Sancho Ka Hor Kulanka Newcastle

0
226

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Man United ayaa tababarka dib ugu soo dhawaysay xiddiga Jadon Sancho kadib markii uu xiddigu dhaawac uga baxay waajibaadka xulka qarankiisa.

Xiddiga 21 jirka ah ayaa seegay kulankii uu xulka England 4/0 uga badiyay xulka Hungary isaga oo ku soo laabtay Manchester si uu uga soo kabasado dhaawac soo gaadhay.

Dhaawaca Sancho ayaa la ogaaday in uuna mid halis ah ahayn waxana uu xiddigu tababarka buuxa la qaatay kooxda inteeda kale Salaasadii shalay ka hor soo laabashada premier League.

Xiddiga reer England ayaa sidaas darteed diyaar u noqon doona kulanka Newcastle United ee Sabtida waxana uu tababarka la qaatay saxiixa cusub ee kooxda Cristiano Ronaldo.

Warkan ayaa ah mid u fiican kooxda Man United maadama ay xiddiga u aragto mid muhiim ka ah qorshohooda xilli ciyaareedka premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here