Madaxweynaha Zambia oo shegay inuu wax ka bedelayo dastuurka dalkaasi si haween badan ay siyaasadda u galaan”

0
249

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Madaxweynaha cusub ee Zambia aya shegay inuu qorsheynayo in wax laga bedelo dastuurka dalka si fursad loo fursad loo siiyo in haween badan ay siyaasadda u galaan.

Waraysi gaar ah oo uu BBC-da siiyey ayaa Hakainde Hichelema oo todobaad ka hor la dhaariyey ayaa sheegay in ujeedada qorshehiisaas ay tahay in maamulka la daadajiyo iyo in qoondaynta dhaqaalaha ay gacan ku yeeshaan maamulka hoose si ay baahidooda ugu saleeyaan.

Hakainde Hichilema ayaa sidookale BBC-da u sheegay in la xaday lacago badan oo ay dowladda leedahay. Waxaa uu sheegay in dadka qaar ay weli isku deyayaan inay si sharci darro ah ula baxaan lacagahaasi.

Madaxweyne Hichilema ayaa waxaa uu intaa raaciyay, inay ka go’antahay in dhamaan dadka ree Zambia ay helaan waxbarasho bilaash ah isla markaana uu maal gelin doono warshadda macdanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here