Atoore gaarigiisa laga xaday isagoo filim matelaya

0
339

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Baabuur uu leeyahay xiddiga Hollywood ee Tom Cruise oo noociisu yahay BBW ayaa laga xaday isaga oo duubaya filim uu matalayo, waxaanay arintaasi ka dhacday magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska.

Atooraha ayaa magaaladan ku metelayey qaybtii todobaad ee filimka “Missison Impossible”

Wargeyska The Sun ayaa sheegay in “baabuurkaas oo uu leeyahay Tom Cruise laga xaday hudheelka uu deganyahay ee Grand dhexdiisa isla marnkaana ay saarnayd alaab qiimaheeda lagu qiyaasay kumanaan Giniga Sterling-ka ah”.

Hase yeeshee booliska West Midlands ayaa sheegay in baabuurkaas oo noociisu yahay BMW X7 laga xaday wadada Churches Street maalintii Salaasadii laakiin muddo kooban ka dib ay boolisku soo heleen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here