Barcelona oo garoonkeeda Camp Nou saddexda dhibcood kaga qaadatay kooxda Getafe

0
334

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou saddexda dhibcood kaga qaadatay kooxda Getafe, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1, ciyaar qeyb ka aheyd kulammada toddobaadkan ee horyaalka La Liga dalka Spain.

Qeeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-1 ay ku hoggaamineysay kooxda Barcelona.

Daqiiqadii 2-aad ee durba bilawga ciyaarta kooxda Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, waxaana 1-0 ka dhigay Sergi Roberto, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Jordi Alba.

18 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Getafe ayaa dhalisay goolka bar-bardhaca waxaana 1-1 ka dhigay laacibkooda Sandro Ramirez oo caawin ka helay Carles Alena.

Memphis Depay oo caawin ay kaga timid xiddiga ay dhalasho wadaaga yihiin ee Frenkie de Jong daqiiqadii 30-aad ayaa wuxuu markale hoggaanka u dhiibay kooxda Barcelona wuxuuna dheesha ka dhigay 2-1.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 2-1 ay kaga adkaatay Barcelona, kooxda Getafe oo marti ugu aheyd garoonka Camp Nou, xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulammada toddobaadkan ee horyaalka La Liga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here