Faah-Faahinta Heshiiska Ay Man United U Soo Bandhigtay Cristaino Ronaldo & Wakhtiga Uu Tijaabada Caafimaadka Mari Doono Oo La Ogaaday

0
271

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda Man United ayaa u muuqata kuwo ku guulaystay saxiixa xiddiga Cristaino Ronaldo kaas oo mar kale dib ugu soo laaban doona Old Trafford kadib markii uu ka tagay kooxda xagaaii 2009.

Man United ayaa saacadihii la soo dhaafay si dhab ah u gashay baacsiga loogu jiro saxiixa xiddiga Cristaino Ronaldo kaas oo la xaqiijiyay in uu ka tagay kooxda Juventus.

Wargayska reer Portugal ee MEN ayaa haatan shaaca ka qaaday Faah-Faahinta Heshiiska ay Man United kula saxiixanayso xiddiga Cristiano Ronaldo kadib markii ay wakiilka xiddiga si toos ah ula xidhiidheen.

Wargayska ayaa sheegaya in uu xiddiga Cristiano Ronaldo tijaabada caafimaadka Ugu mari doono kooxda magaalada Lisbon ee dalka Portugal kadib marka ay Juventus iyo Man United ka heshiiyaan saxiixa.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Man United Cristiano ka saxiixan doonto heshiis 2 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda ku ciyaarta Old Trafford uguna soo laabanayo kooxda Red Devils.

Dhanka kale wararka soo baxaya ayaa sheegaya in tababarihii hore ee kooxda Man United Sir Alex Ferguson door weyn ku lahaa in uu Ronaldo iska diido kooxda Man City kana doorto kooxda Man United

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here