Tallaalka Duumada Oo Rajo cusub laga muujiyay.

0
289

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Qaab cusub oo carruurta Afrika looga difaaci karo duumada ayaa 70% yareyn kara dhimashada iyo inuu qofku soo rito xanuunka malaariyada ama duumada, sida lagu sheegay daraasad cusub.

In la siiyo tallaal iyo dawooyinka ka hortagga ayaa la sheegay in ay wax weyn ka tari karaan xanuunkan, sida ay sheegeen baarayaasha London.

Tijaabadan ayaa lagu sameeyay illaa 6,000 oo carruur ah oo ay da’doodu ka hooseyso 7 bilood oo ku kala sugan Burkina Faso iyo Mali.

Inta badan dadka dunida ugu dhinta malaariyada ee gaaraya 400,000, waa kuwa ay da’doodu ka hooseyso shan sano jir.

Cudurkan malaariyada ee ay kaneecadu sababto, weli waa xaalad weyn oo caafimaad oo ka taagan qeybo badan oo ka tirsan dalalka Saxaraha ka hooseeya ee Afrika.

Tijaabadan oo lagu daabacay Wargeyska Daawada ee New England, waxaa diiradda lagu saaray in carruurta yar yar la siiyo tallaal wax tar leh iyo dawooyinka ka hortagga duumada, xilliga ay aadka ugu nugul yihiin, gaar ahaan xilli-roobaadka (laga soo bilaabo June, dalka Burkina Faso), markaas oo ay malaariyada aadka dadka u soo ridato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here