Ciidanka ilaalada xeebaha Tunuusiya oo soo qab qabtay kooxo Tahriibeyaal ah

0
226

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Ciidanka ilaalada xeebaha Tunuusiya ayaa soo qab qabtay 11 kooxood oo Tahriibeyaal ah kuwaas uu 129 ka mid ahi u dhasheen dalka Tunuusiya halka 30 oo kalena u dhasheen dalalka Afrikada kale.

Dadka ayaa ka kala baxay Dekedda Taguemess,Chebba,Sfax iyo Kelibia sida ay ku dhawaaqday Wasaaradda difaaca Tunuusiya.

Tahriibeyaasha ayaa loo soo qaaday dhinaca Dekedda Menzel jemil waxaana la wareegay Ciidamada qaranka Tunuusiya oo sanaddahan la tacaalayey tahriibayaasha sharci darada ah oo halkaas ka dhigtay marin ay uga sii gudbaan dalalka reer Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here