Man City Oo Si Lama Filaan Ah Ugu Dhaqaaqaysa Saxiixa Kabtanka Arsenal Ee Pierre-Emerick Aubameyang

0
227

Manchester City ayaa si lama filaan ah ugu dhaqaaqi karta saxiixa weeraryahanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang xagaagan sida ay sheegayaan wararku.

City ayaa suuqa ugu jirta weeraryahan, iyadoo bartilmaameedkooda ugu sarreeya uu yahay xiddiga Tottenham Harry Kane, si kasta ha ahaatee kooxda ayaa wax horumar ah ka samayn wayday baacsiga ay ugu jirto kabtanka reer England.

Wargayska ESPN ayaa sheegaya in ay kooxda Man City dalab wakhti dambe ah ka gudbin doonto saxixia xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang hadii ay maalmaha soo socda ku fashilanto saxiixa xiddiga Harry Kane.

Xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang ayuu dhankiisa shaki ku jiraa mustaqbalkiisa kooxda Arsenal inkasta oo uu isagu sheegay in uu ku faraxsayahay kooxda Arsenal laakiin Arsenal ayaa la sheegayaa in ay doonayso in ay iska iibiso xiddiga xagaagan.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa daqiiqadihii ugu horeeyay ee Arsenal Premier League ciyaaray kulankii ay Gunners guuldarada kala kulantay kooxda chelsea kulankii ka dhacay Emirates.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here