Qaxootigii ugu Horreeyay ee Reer Afghanistan oo Maanta Ku Wajahan Uganda

0
381

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Uganda ayaa xaqiijisay in maanta ay qaabilayso 145 qof oo ka mid ah qaxootiga laga soo daadgureynayo Afghanistan, kaddib wadahadal maalmo qaatay oo Uganda ay ku oggolaatay marti-galinta qaxootigaas.

Esther Anyakun oo ah wasiir ku xigeenka Wasaaradda U-diyaargarowga Musiibooyinka iyo Qaxootiga, ayaa sheegtay in hay’adda Laanqeybta Cas ee Caalamiga iyo hay’adaha kale ee iskaashiga la leh ay dowladda Mareykanka kala shaqeynayaan sidii maanta dalka Uganda loo keeni lahaa 145 qof oo horudhac u ah dadka la soo daadgureynayo.

Dhowaan Anyakun ayaa sheegtay in Uganda ay aqbali doonto illaa 2,000 oo qaxooti Afghanistan ah, inkasta oo mas’uuliyiin kale ay sheegeen in arrintu weli tahay mid laga doodayo.

Wasiirka Gargaarka, U -diyaargarowga Musiibooyinka iyo Qaxootiga ee Uganda, Hillary Onek, ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in qaxootiga Afghanistan ka imaanaya ay u badan yihiin haween iyo carruur, wuxuuna intaas ku daray in magaalada Entebbe looga diyaariyay hoteelladii ay degi lahaayeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here