Hordhac: Southampton vs Man United:

0
500

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda Man United ayaa marti u noqonaysa kooxda Southampton kulan ka dhici doona garoonka St. Mary’s Stadium kana tirsan todobaadkii 2-aad ee horyaalka premier League.

Kooxda Man United oo si cajiib ah ku bilaabatay xilli ciyaareedka ayaa kulanka u soo galaysa in ay gaadho guusheedii 2-aad oo xidhiidh ah horyaalka premier League iyaga oo doonaya in ay sii wadaan guulaha xidhiidhka.

Dhanka kale Kooxda Southampton ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay gaadhaan guushoodii ugu horaysay kadib markii ay guuldaro ku bilowdeen xilli ciyaareedka cusub.

Wakhtiga: 4:00

Garoonka: St. Mary’s Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Southampton ayaan wax guul ah gaarin 10 kulan oo ay garoonkeeda kula ciyaartay Manchester United (4 barbaro iyo 6 guuldarro), inkastoo ay hoggaanka u qabteen lix ka mid ah.

Adam Armstrong ayaa noqon kara Xiddigii 3-aad ee gool u dhaliya Southampton 2-da kulan ee ugu hoeeya xilli ciyaareedka kadib xiddigaha Manolo Gabbiadini Iyo Henri Camara.

Haddii ay ka fogaadaan guuldarro, Man Utd waxay barbareyn doontaa rikoorkii ugu sarreeyey ee Arsenal ee 27 kulan oo xiriir ah oo aan laga badin kulamada martida kaas oo ay dhigtay intii u dhexaysay April 2003 iyo September 2004.

Man Utd ayaa Southampton ku garaacday 9-0 bishii February waana guusha ugu weyn ee taariikhda premier League iyaga oo la mid a Leicester City oo isla Southampton ku garaacday 9 gool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here