Giriigga oo darbi ka dhisaya xadkiisa Turkiga

0
206

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Dowladda Giriigga ayaa xadkeeda Turkiga waxa ay ka dhistay darbi 40km ah iyo hannaan lagula soconayo dhaqdhaqaaqa, xilli uu jiro walaac ku aaddan muhaajiriinta badan ee ka soo qaxaya waddanka Afgaanistaan.

“Ficil la’aan ma sugi karno saamaynta ka dhalan karta,” waxaa sidaasi sheegay wasiirka ilaalinta muwaadiniinta ee Giriigga, Michalis Chrisochoidis, xilli uu Jimcihii booqanayay gobolka Evros.

“Xuduudahayaga waxa ay ahaan doonaan kuwo aanan laga soo tallaabi karin.”

Hadalkiisa ayaa waxa uu imanayaa xilli Turkiga uu dalalka Yurub ugu baaqay inay qaataan mas’uuliyadda muhaajiriinta Afgaanistaan.

Wahadahadal ay khadka taleefanka ku yeesheen Ra’iisul Wasaaraha Giriigga Kyriakos Mitsotakis, ayuu madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan waxa uu u sheegay in dadka aadka u tirada badan ee ka qaxaya waddanka Afgaanistaan ay suuragaltahay inay “loollan adag ku noqdaan qofwalba”.

“Mowjad cusub oo muhaajiriin ah ayaan laga hursanayn haddaanan tallaabooyin macquul ah laga fulin gudaha Afgaanistaan iyo Iiraan,” Mr Erdogan ayaa yiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here