Tirada dhimashada dhulgariirkii Haiti oo gaartay 2,189

0
214

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Tirada dhimashada dhulgariirkii ba’naa ee ka dhacay waddanka Haiti dhammaadkii todobaadkii hore ayaa kor u kacday, iyadoo gaartay 2,189, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowladda waddankaas.

In ka badan 12,260 qof ayaa ku dhaawacmay markii dhulgariirku ku dhuftay koonfur-galbeed Haiti Sabtidii, waxaana sidoo kale ay saraakiishu ay sheegeen in 332 qofood oo kale weli la la’yahay.

kumanaan dhisme ayaa ku burburay dhulgariirkan, waxaana waddanka saboolka ee Haiti uu weli ka soo kabanayaa dhulgariir kale oo aad u ba’an oo dhacay sannadkii 2010kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here