Cilmi baaris lagu ogaado Kaniini qof walba uu isticmaalo in lagu daweyn karo kansarka

0
231

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kaniiniga loo yaqaanno “Aspirin” ee badanaa dadku ay wada yaqaannaan ayaa ka qeyb qaadan kara la dagaallanka kansarka aadka saameynta u leh ee ku dhaca naasaha, waxa uuna xoojinayaa shaqada dawooyinka kale ee loo adeegsado xanuunkaas, sida ay sheegeen dhakhaatiir cilmi baaris sameysay.

Burooyinka kansarka wata ayuu Aspirin-ta adkeynaysaa si aysan uga baxsanin dawada la dagaallameysa, sida ay khubaradu sharraxeen.

Kooxd dhakhaatiir ah oo ka tirsan hay’adda “Christie NHS Foundation Trust” ee magaalada Manchester ayaa billaabaya tijaabo arrintan ku saabsan oo lagu sameynayo bukaannada qaba kansarka naasaha.

Waxay ka shakisan yihiin in awoodda uu kaniiniga aspirin-ka u leeyahay ka hortagidda xanuunka iyo kuleylka jirka dhexdiisa ay sidoo kale gacan ka geysato xoojinta dawooyinka kansarka.

Daraasado lagu sameeyay xayawaanno ayaa durbaba lagu ogaaday natiijooyin dhiirigelin leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here