Ole Gunnar Solskjaer Oo Maamulka Man United U Sheegay In Heshiis Cusub Laga Saxiixo 5 Xiddig Oo Kooxda 1-aad Ah.

0
199

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa maamulka kooxdiisa ka dalbaday in heshiisyo cusub oo wakhti dheer ah laga saxiixo 5 xiddig oo kooxdiisa ah si uu kooxda ugu hogaamiyo ku guulaysiga koobka.

Xiddiga Bruno Fernandes, Marcus Rashford, Harry Maguire & Luke Shaw ayaa ka mid ah xiddigaha uu Solskjaer doonayo in ay kooxdu heshiis cusub ka saxiixato halka uu Solskjaer rumaysanyahay in uu Paul Pogba sidoo kale heshiis cusub u saxiixi doono kooxda ka hor inta uuna heshiiskiisu dhicin xagaaga.

Fernandes ayaa United kula jira heshiis 5 sano ah laakiin Solskjaer ayaa doonaya in uu xiddiga laga saxiixdo heshiis cusub oo kale.

Maguire ayaa sidoo kale 4 sano uga dhimanahay heshiiskiisa halka Rashford iyo shaw 2 sano uga dhimanyihiin heshiiska kooxda ay kula jiraan Man United.

Kooxda Man United ayaa si cajiib ah ku bilaabatay xilli ciyaareedka kadib markii ay guul 5/1 kaga badiyeen kooxda Leeds United kulankoodii ugu horeeyay ee premier League

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here