Canada oo sheegtay inay qaadaneyso 20,000 oo qaxooti ah

0
217

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Dowladda Canada ayaa sheegtay inay qaadan doonto ilaa 20,000 oo qaxooti reer Afghanistan ah, kuwaas oo ay ku jiraan madaxda ururada haweenka, shaqaale dowladeed iyo dad kale.

“Xaaladda Afghanistan waa mid qalbijab leh, inaguna ma fiirsan doonno,” ayuu Wasiirka Socdaalka Marco Mendicino ka sheegay shir jaraa’id o uu Jimcihii qabtay.

Horraantii Jimcihii, dalal badan oo ay ku jiraan Spain, Denmark, Norway iyo Netherlands ayaa ku dhawaaqay inay shaqaalaha safaaradahooda kala baxeen.

Canada ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda Afghanistan, ayna kala shaqeyneyso xulafadeeda ku sugan waddankaas. “Ilaalinta Safaaradda Canada iyo shaqaalaheenna ayaa ah ahmiyadeenna koowaad,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Marc Garneau.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here