Maamulka Carwada Umu Sihaam oo sheegey in waxyaabihii Magaalooyinka ay ka doonan jireen in reer Baydhabo Magaaladooda Loo keeney.

0
220

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka baay ayaa mudooyinkaani waxaa ku soo badanayaan dhismooyin casriyeysan kuwaasi oo intooda badan laga furey goobo lagu iibiyo ganacsiga noocyadiisa kala duwan gaar ahaan carwooyinka lagu iibiyo dharka faashiyoonka ah oo iskugu jiraan dhanka ragga, dumarka iyo waxyaabaha jirka lagu carfiyo.

Goobaha ganacsi cusub ee lagu iibiyo dharka ayaa intooda badan waxaa milkiilo iyo ka shaqeyntooda u badan xiligaani dumarka iyagoo ku dhiiranaya in ay qeyb weyn ay ka qataan ganacsiga ka jira Magaalada Baydhabo.

Tusaale carwada umu sihaam faashiyon waxey kamid tahay kuwa dhawaan laga hirgaliyey Magaalada Baydhabo waxaa u badan iibinta xarunta dumar iyagoo qeyb ka ah kuwa ganacsiga xiligaan ku soo biirey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here