Lionel Messi & Saxiixyada Ilaa Haatan La Dhamaystiray Suuqa Kala Iibsiga Xagaaga

0
180

Inkasta oo uuna suuqa kala iibsiga xagaagu si Rasmi ah u furmin maadama uu kaliya dhawaan dhamaadeen xilli ciyaareedyada kala duwan ee yurub hadana waxa jira koxo haatanba sameeyay saxiixyo cusub.

Kooxaha ayaa awood u leh in ay samayeen saxiixyada xiddigaha ay doonayaan iyaga oo sidoo kale ku dhawaaqi kara saxiixyada marka ay dhamaystiraan.

Waxa jira kooxo haatanba ku dhawaaqay saxiixyada ay doonayeen maadama ay dhamaystireen wax walba oo uu ku kacayay heshiisku halka ay haatan suuqa horay ugu gali doonaan saxiixyada ay doonayaan.

Kooxda PSG ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa xiddiga Lionel Messi kaas oo ay qaab xor ah ugala soo wareegtay kooxda PSG.

PSG ayaa Lionel Messi la gaadhay heshiis Rasmi ah saacado ka hor waxana ay haatana bareheeda bulshada ku soo bandhigtay muuqaal ay ku soo dhawaynayso xiddiga Lionel Messi.

Jack Grealish  -> Man City

Kooxda Man City ayaa xaqiijisay in uu Xiddiga Jack Grealish kooxda u xidhan doono No.10 xilli ciyaareedka cusub kadib markii uu lacag rikoodh ah ugu biiray kooxda.

Xiddiga 25 jirka ah ayaa qalinka ku duugay heshiis 6 sano ah maanta oo khamiis ah kulana joogi doono kooxda ilaa xagaaga 2027.

Xiddiga ayaa noqday xiddiga ugu qaalisan taariikhda suuqa kala iibsiga ee xiddigaha reer England kadib markii ay Man City ka bixisay lacag rikoodh ah oo dhan 100 milyan oo euro si ay u hesho saxiixiisa.

Ben White -> Arsenal

Kooxda Arsenal ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Ben White kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Brighton.

White ayaa qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah oo uu kula joogi doono kooxda Arsenal isaga oo ku biiray saxiixyada ugu qaalisan ee taariikhda kooxda Arsenal.

Marcus Bettinelli -> Chelsea

Kooxda chelsea ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqday in ay dhamaystirtay saxiixa Goolhaye Marcus Bettinelli kaas oo kooxda kaga soo biiray Fulham.

Goolhayaha ayaa qalinka ku duugay heshiis 2 sano ah oo uu ku joogi doono Blues isaga oo sidaas ku noqday saxiixii ugu horeeyay ee kooxda chelsea xagaagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here