Guumeys caan ah oo dhimashadiisa aad looga hadal hayo baraha bulshada.

0
185

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Baraha ay bulshadu ku xiriirto iyo bogagga intarneedka waxaa aad looga hadal hayaa Guumeys caan ah oo dadku ugu daawasho tagi jireen beer ku taal bartamaha magaalada New York ee dalka Mareykanka oo Jimcihii dhawaa ku dhintay shil baabuur.

Mas’uuliyiinta beertaasi ayaa sheegay in guumeyskaasi oo lahaa midabbo badan oo ku duulayay jawi hoose si uu u ugaarsado uu ku dhacay baabuur ka shaqeynayay gudaha beertaasi.

Dhimashada shimbirkaasi ayaa sababtay in dadka jecel haadda iyo shimbiraha ee guud ahaan caalamka oo dhan ay baraha bulshadu ku xiriirto ku wadaagaan sawirrada iyo waxyaabaha ay ku xasuustaan guumeyskaasi caanka ah.

Bog Twitter-ka ah oo loo sameeyay in looga faaloodo wararka iyo macluumaadka ku saabsan shimbiraha iyo haadda kale ee beertaasi ku jira ayaa lagu sheegay in la tebi doono quruxdii Guumeyskaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here