Wakhtiga Uu Romelu Lukaku Tijaabada Caafimaadka U Mari Doono Chelsea Oo La Ogaaday.

0
219

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Xiddiga Romelu Lukaku ayaa tijaabada caafimaadka u mari doona kooxda Chelsea maanta oo Axad a si uu u dhamaystiro ku biiristiisa chelsea sida ay sheegayaan wararku.

Inkasta oo uu xiddiu saamayn weyn ku yeeshay Inter Milan intii uu joogay hadana Chelsea ayaa la fahamsanyahay in ay dhigeeda Inter kala heshiisay saxiixa xiddiga si ay dib ugu soo celiso Stamford Bridge.

Lukaku ayaa haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay isaga oo qalinka ku duugi doona heshiis 5 sano ah oo uu sanadkii jeebka ku shuban doono lacag dhan 11 milyan oo euro.

Sida laga soo xigtay The Athletico, Lukaku ayaa tijaabada caafimaadka u mari doona kooxda chelsea maanta oo Axad ah iyada oo uu xiddigu London iman doono saacadaha soo socda.

Lukaku ayaa chelsea horay ugu soo ciyaaray 3 xilli ciyaareed intii u dhexaysay 2011 ilaa 2014 laakiin kaliya u ciyaaray 15 kulan isaga oo aan wax gool ah u dhalin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here