10-ka Saxiix Ee Ugu Waaweyn Ee Dhici Kara Inta Lagu Jiro Suuqa Xagaagan

0
374

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Suuqa kala iibsiga waxa jira wax loo yaqaano lama filaan maadama saxiix kasta si lama filaan ah ku dhici karo inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Inkasta oo xanuunka Korona hoos u dhac ku keenay dhaqaalaha Kooxaha kala duwan hadan arintaas ayaan la macno ahayn ama aan kooxaha ka hor istaagin in ay sameeyaan saxiixyo suuqa xagaagan.

Iyada oo kooxuhu haatan ku soo laabanayaan kooxohooda ka dib ka qayb qaadashadii tartamadii euro 2020 iyo Copa America kooxaha kala duwan ayaa awooda saaraya in ay dhamaystiraan saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxohooda.

Wargayska Daily mirror ayaa soo bandhigay 10-ka saxiix ee laga yaabo in ay dhacaan suuqa xagaaga ka hor inta uuna xidhmin suuqu:

Lionel Messi -> Man City, PSG

Xiddiga reer Argentine ayaa si Rasmi ah loo xaqiijiyay in uu ka tagi doono kooxda Barcelona kadib markii uu fashilmay heshiiskii uu u saxiixayay kooxda Barcelona iyada oo kooxda Barcelona xalay si Rasmi ah u xaqiijisay in uu xiddigu isaga tagi doono kooxda

Xiddiga Lionel Messu ayaa haatanba lala xidhiidhinayaa kooxaha PSG iyo Man City kuwaas oo u tartamaya saxiixa xiddiga kaas oo ay ku heli karaan qaab xor ah xagaagan.

Romelu Lukaku  ->  Chelsea

Kooxda chelsea ayaa suuqa ugu jirta weeraryahan cusub waxana lala xidhiidhinayaa xiddiga kooxda Inter Milane ee Romelu Lukaku , Blues ayaa ka mid ah kooxaha yar ee awooda u leh in ay bixiyaan lacagta lagu doonayo xiddiga aadka loo qiimeeyo laakiin chelsea ayaa la sugayaa in la ogaado in ay diyaar u tahay in ay bixiso lacagta ay Inter Milan ku doonayso xiddiga.

Paul Pogba  ->  Paris Saint-Germain

Xiddiga khadka dhexe ee reer France ayaa aad loo filayaa in uu ku biiro kooxda PSG kadib markii uu iska diiday heshiis cusub oo ay kooxda Man United u soo bandhigtay, Paul ayaa ku jira sanadkisiii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa Man United waxana la filayaa in ay iska iibiso xiddiga xagaagan hadii uu diido heshiis cusub.

Harry Kane ->  Manchester City

Kabtanka England ayaa dhankiisa doonaya in uu isaga tago kooxda Tottenham kadib xilli ciyaareed kale oo koob la’aan ah waxana lala xidhiidhinayaa Man City iyada oo Citizen haatanba dalab 100 milyan ah ka gudbisay laakiin laga diiday dalabkaas.

Laakiin Man City ayaa la sheegayaa in ay diyaar u tahay in ay Tottenham u soo bandhigto xiddigaha Sterling, Jesus, Silva iyo Mahrez hadii ay u fududaynayso saxiixiisa.

Jules Kounde  ->  Chelsea

Kooxda chelsea ayaa dhankooda ku dhaw saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara Sevilla ee Kounde kadib markii uu xiddigu noqday bartilmaameedka 1-aad ee tababare Thomas Tuchel si uu ugu xoojiyo daafaciisa, Kounde ayaa haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda chelsea.

James Maddison ->  Arsenal

Kooxda Arsenal ayaa la filayaa in ay hal xiddig oo khadka dhexe ah ku daraan kooxdooda ka hor inta uuna suuqa kala iibsigu xidhmin waxana lala xidhiidhinayaa xiddiga James Maddison kaas oo diyaar u ah in uu isaga tago Arsenal, Mikel Arteta ayaa taageero u ah xiddiga Reer England waxana la filayaa in ay Arsenal u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga hadii ay iska iibiso xiddigo kale oo khadka dhexe ah.

Martin Odegaard  ->  Arsenal

Waa xiddig kale oo lala xidhiidhinayo kooxda Arsenal iyada oo Arsenal tan ilaa bilowgii xagaaga doonaysay in ay la wareegto xiddiga Martin Odegaard kadib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay 6-dii bilood ee uu kooxda kula joogay qaabka amaahda ah.

Cristiano Ronaldo  ->  Paris Saint-Germain

Xiddiga Cristiano ayaa lala xidhiidhinayay ka tagista Juventus tan ilaa bilowgii suuqa xagaaga waxana xiddiga reer Portugal lala xidhiidhinayaa kooxda PSG, Ronaldo ayaa haatan ku soo laabtay tababarka Juventus waxana la filayaa in la ogaado mustaqbalkiisa maalmaha soo socda laakiin kooxda PSG ayaa si dhab ah u doonaysa saxiixa xiddiga.

Kieran Trippier  -> Manchester United

Xiddiga Trippier ayaa doonaya in uu ku biiro kooxda Man United waxana uu haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Red Devils, United ayaa dhankooda doonaysa saxiixa xiddiga si ay ula tartansiiso xiddiga Aaron Wan-Bissaka waxana United ka go’an saxiixa xiddiga.

Saul Niguez -> Liverpool:

Man United ayaa la filayaa in ay dalab Rasmi ka gudbiso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee reer Spain iyada oo uu Jurgen Klopp suuqa ugu jiro badalka Gini Wijnaldum kaas oo ka tagay kooxda Xagaagan, Liverpool ayaa la filayaa in ay maalmaha soo socda ka gudbiso saxiix iyada oo waliba markan filaysa in ay Atletico Madrid aqbasho dalabka xiddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here