Nin iska dhigay qof dumar ah si uu saaxibtii ugu sameeyo imtixaam

0
216

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Ardey wax ka dhigta mid kamid ah jaamacadaha Senegal ayaa la qabtay kadib markii uu iska dhigay qof dumar ah si imtixaamka luqadda Ingiriiska ugu sameeyo gabadh saaxibtii ah.

Waxaa baraha bulshada Senegal lagu baahiyay Khadim Mboup oo ku labisan xijaab guduudan.

Ardeygan 22 jirka ah wuxuu sheegay in sababta uu ugu dhaqaaqay tallaabadaas ay aheyd in saaxibtii ay ku adkeyd luqadda Ingiriiska, sida ay tebisay warbaahinta gudaha.

Isniintii ayuu maxkamad kasoo muuqday isaga iyo saaxibtii, waxaana loo heystaa wax isdabamarin dhanka imtixaanaadka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here