Romelu Lukaku Oo Badalay Go’aankii Ku Aadanaa Ku Biiristiisa Chelsea.

0
269

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Weeraryahanka kooxda Inter Milan Romelu Lukaku ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu ku laabto Chelsea suuqa kala iibsiga ee xagaagan.

Kooxda Thomas Tuchel ayaa dhawaan laga diiday laba dalab oo ay ku doonayso xiddiga 28 jirka ah iyada oo dalabkii ugu dambeeyay u dhigmo 85 milyan oo euro iyo waliba xiddiga Marcos Alonso.

Sida laga soo xigtay The Sun, Lukaku ayaa rumaysan in uu chelsea ku hasto shaqo aan dhamaan waliba ogyahay in aad looga qimayn doono hadii uu ku laabto kooxda xagaagan.

Xiddiga reer Belguim ayaa kaliya 10 kulan oo premier League ah u ciyaaray chelsea kadib markii uu Everton kaga biiray chelsea sanadkii 2018.

Inkasta oo ay tahay in uu noqon doono sanadkii ugu dambeeyay oo uu ku biiro koox kale oo reer yurub ah hadana xiddiga ayaa la sheegayaa in uuna kooxdiisa Inter Milan ku qasbi doonin in ay ka iibiso Chelsea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here