Kooxdii ugu horeysay shaqaale Afganistaan ah oo loo qaaday Mareykanka

0
266

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Duulimaadkii ugu horreeyay ee ay la socdaan dad ka badan 221 ruux oo isugu jiray shaqaale turjubaanno ah,qoysaskooda iyo kuwo kale,isla markaana ay ku jireen 72-caruur ah ayaa ka degay garoonka diyaaradaha magalada Washington ee carigga Mareykanka,iyagoo ka ambabaxay dalka Afganistaan.

Ugu yaraan 750 reer Afgaanistaan ah iyo qoysaskooda ayaa mar horeba la ansixiyay in la qaado,waxana dadkaasi oo u badan turjubaanno la sheegay in ay ahaayeen kuwao 20-kii sano ee u dambeeyay la shaqeynaayey ciidamada Mareykanka ee joogay Afganistaan.

“Mareykanku waxaa ka go’an inuu caawiyo kuwii na caawiyay waqtiyadii adkaa ee aan joognay Afghanistan ” ayuu yiri Blinken,xilli lagu jiray shir jaraa’id oo ay wadaqabteen dhigiisa Kuwait.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here