Dadka qaatay talaalka COVID-19 ee Mareykanka oo amar lagu soo rogay

0
282

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Xarunta xakameynta iyo ka hortagga cudurrada faafa ee Mareykanka ayaa ku boorrisay dadka Mareykanka ah ee si buuxda u qaatay tallaalka cudurka COVID-19, in ay dib u billaabaan qaadashada maaska ama marada afka lagu xirto, marka ay joogaan goobaha xiran ee ay dadka isugu yimaadaan.

Hey’adda ayaa si gaar ah taladan u siisay dadka ku nool gobollada uu sida aadka ah ugu sii faafayo cudurka COVID-19 tafiirtiisa Delta oo hadda kusii faafaya dalka.

Iyada oo adkeyneysa tilmaamaha cudurka COVID-19, ayay xarunta CDC si xoog leh carrabka ugu dhajisay, ahmiyadda xirashada maaska ama marada afka lagu xirto in ay u leedahay xilligaan ardayda, macallimiinta iyo shaqaalaha ka shaqeeysa iskuullada xannaanada carruurta ilaa fasalka 12-aad, kuwaasoo ay xaruntu sheegtay in ay xirtaan afdaboolka haddii ay tallaalanyihiin iyo haddii kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here