Hay’adda IOM oo sheegtay in muhaajiriin ay ku geeriyoodeen xeebaha Liibiya

0
256

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Ugu yaraan 57 qof ayaa lagu soo warramaya inay ku dhinteen xeebaha Liibiya kadib markii ay qalibmatay dooni ay saarnaayeen xilli ay marayeen xeebaha dalkaas.

Madaxa hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha socdaalka IOM ee Liibiya Federico Soda, ayaa sheegay in uu ka naxsan yahay dhacdadan.
Hay’adda waxay intaas ku dartay in 20 dumar iyo 2 carruur ah ay kamid yihiin dadka ku dhintay halkaas.

Lama ogo waxa sababay dhibaatadan ka dhacday xeebaha Liibiya.
Waana tiradii ugu badneyd ee dadka muhaajiriinta ee ku dhinta xeebaha dalkaas ee doonayay inay gaaraan Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here