Chelsea Oo Dhamaystirtay Saxiixeedii Ugu Horeeyay Ee Xagaaga.

0
262

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay heshiis la gaadhay Goolhaye Marcus Bettinelli kaas oo ay ka dhigayso saxiixeeda ugu horeeya ee suuqa xagaagan.

Goolhayaha reer England ayaa ah xiddig xor ah kadib markii uu dhacay heshiiskiisa kooxda Fulham oo uu joogay sanadihii ugu dambeeyay.

Marcus Bettinelli oo 29 jir ah ayaa ogolaaday in uu ku biiro kooxda chelsea isaga oo noqon doona saxiixa 1-aad ee kooxda suuqa xagaagan si uu badal ugu noqdo Willy Caballero oo ka tagay kooxda.

Kooxda Chelsea ayaa haatanba heshiis la gaadhay Goolhaye Marcus Bettinelli waxana ay kooxda Blues doonaysaa in ay saxiixa Goolhayaha ku dhawaaqdo 48-ka ee soo socda.

Goolhaye Marcus Bettinelli ayaa la filayaa in uu qalinka ku duugo heshiis 2 sano ah isaga oo noqon doona Goolhayaha dookha 3-aad ee kooxda Chelsea xilli ciyaareedka dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here