Roob mahiigan ah oo ka da’ay dalka hindiya iyo dad ku geeriyooday.

0
490

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Shaqaalaha gurmadka degdegga ee Galbeedka dalka Hindiya oo naxsan ayaa isku dayayay inay badbaadiyaan 50 qof oo laga cabsi qabo inay ku go’adoonsanyihiin dhul go’a ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay gobolka Maharashtra ee dhaca galbeedka dalka Hindiya.

Saraakiisha ayaa sheegay in roobabka xoogga leh ee da’ay maalmihii la soo dhaafay ay sababeen daadad ay ka dhacaan qeybo badan oo ka tirsan gobolkaasi, kuwaas oo sababay burbur ballaaran.

Ugu yaraan 136 qof ayaa ku dhimatay Maharashtra, halka Goa oo deris la ah ay boqolaal guri waxyeelo soo gaartay.
Roobab culus iyo daadad ayaa sidoo kale ku dhuftay galbeedka Yurub iyo qaybo ka mid ah Shiinaha toddobaadyadii la soo dhaafay, halka Waqooyiga Ameerika ay wajaheen kuleylo kulul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here