Booliska Nigeria oo soo badbaadiyey 100 qof oo la afduubtay

0
206

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Booliska iyo maamulada dowladda ee Nigeria ayaa xaqiijiyay sii deynta 100 qof oo ay ku jiraan caruur, iyo haween kuwaas oo bil ka hor laga afduubay tuulooyinkooda oo ku yaalla waqooyi galbeed Nigeria.

Mohammed Shehu oo ah afhayeenka booliska gobolka Zamfara ayaa qoraal uu u diray Reuters ku sheegay in dadka la sii daayay laga qafaashay 8-dii June deegaanka Manawa ee gobolka Zamfara. waxa uu sheegay in ay suurtogeliyeen in dadka la sii daayo “iyadoo aan la bixin faa’iido dhaqaale.

Dalka Nigeria ayaa waxaa inta badan ka dhaca afduub loo geysto caruurta dhigta iskuullada qeybo ka mid ah magaalooyinka dalkaasi iyadoona qaar badan oo la afduubtay la soo badbaadiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here