Man City Oo 4 Xiddig U Soo Bandhigaysa Tottenham Si Ay U Hesho Harry Kane.

0
424

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay Tottenham u soo bandhigto 4 xiddig ay u helaan saxiixa xiddiga Harry kane inta lagu jiro suuqa xagaagan sida ay sheegayaan wararku.

Wargayska SunSport ayaa sheegay bishii May in ay Man City diyaar u tahay in ay heshiiska Harry Kane ku darto xiddigaha Raheem Sterling & Gabriel Jesus.

Laakiin sida laga soo xigtay L’Equipe, hadda Riyad Mahrez iyo Bernardo Silva ayaa sidoo kale ka qayb ahaan kara heshiiska ay Man City ku doonayso Harry Kane suuqa xagaagan.

Waxa la rumaysanyahay in ay Man City kaliya hal xiddig ku dari doonto heshiiska Harry Kane 4-ta xiddig oo uu Guardiola u arko kuwo uu ka maarmi karo.

Harry Kane ayaa dhankiisa xaqiijiyay rabitaankiisa ah in uu isaga tago kooxda Tottenham dhamaadka xilli ciyaareedkii hore waxana lala xidhiidhinayay Kooxda Man City tan wakhtigan la joogo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here