Xiddiga Griezmann ayaa la sheegayaa in uu u dhaqaaqi doono premier League hadii ay dhacdo in uu ka tago Barcelona isaga oo sidaas heegan ku galiyay kooxaha Premier League.

0
211

Weeraryahanka Real Madrid Eden Hazard ayaa lagu soo waramayaa inuu ku biiray liiska Xiddigaha ee ay kooxda Los Blancos suuqa dhigtay xagaagan.

Xiddigii hore ee kooxda chelsea ayaa wakhti adag ku qaatay Real Madrid isaga oo kaliya 43 kulan u saftay Real Madrid 2-dii xilli ciyaareed ee uu ku qaatay Los Blancos.

Hazard ayaa lala xidhiidhinayay ku laabashada Chelsea kadib markii uu ku dhibaatooday kooxda laakiin xiddiga ayaa go’aansaday in uu sii joogo kooxda Real Madrid.

Si kasta ha ahaatee wargayska MARCA ayaa haatan sheegaya in ay Real Madrid mar kale suuqa dhigtay xiddiga Hazard iyaga oo go’aansaday in ay iska iibiyaan xiddiga.

Wararka ayaa sheegaya in ay Maamulka kooxdu go’aansadeen iibka xiddiga inkasta oo uu tababare Carlo Ancelotti doonayo in uu sii haysto xiddiga xilli ciyaareedka dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here